Text copied!
Bibles in Somali

LUUKOS 20:6-41 in Somali

Help us?

LUUKOS 20:6-41 in Kitaabka Quduuska Ah

6 Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka oo dhan ayaa ina dhagxinaya, waayo, waa la aaminsiiyey inuu Yooxanaa nebi ahaa.
7 Markaasay waxay ugu jawaabeen inaanay garan meeshuu ka yimid.
8 Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.
9 Wuxuu bilaabay inuu masaalkan dadka kula hadlo. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo niman beerrey ah u kiraystay, markaasuu dal kale tegey, oo wax badan ku maqnaa.
10 Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inay isaga siiyaan midhaha beerta, laakiin beerreydii ayaa garaacday oo waxla'aan ku dirtay.
11 Haddana wuxuu diray addoon kale, kaasna way garaaceen, oo ceebeeyeen, oo waxla'aan ku direen.
12 Haddana mid saddexaad ayuu diray, kaasna way dhaawaceen oo iska tuureen.
13 Markaasaa sayidka beerta wuxuu yidhi, Maxaan sameeyaa? Waxaan dirayaa wiilkaygaan jeclahay, malaha way maamuusi doonaan.
14 Laakiin beerreydii goortay arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa; aan dilnee, si aynu dhaxalka u lahaanno.
15 Markaasay beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen. Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu iyaga ku samayn doonaa?
16 Wuu iman doonaa oo beerreydaas dili doonaa, oo dad kale ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa. Goortay taas maqleen waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon.
17 Laakiin wuu eegay oo ku yidhi, Haddaba muxuu yahay waxan la qoray, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka?
18 Mid kasta oo dhagaxaas ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, laakiin kan uu ku dhoco, wuu burburin doonaa.
19 Saacaddaas qudheeda ayaa culimmadii iyo wadaaddadii sare dooneen inay isagii qabtaan; laakiin dadkay ka baqeen; waayo, waxay garteen inuu masaalkan iyaga kaga hadlay.
20 Wayna dayayeen, oo ay u soo direen jaajuusiin iska dhigaya dad xaq ah, si ay hadalkiisa ugu qabtaan, oo ay ugu gacangeliyaan talada iyo amarka taliyaha.
21 Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu og nahay inaad si hagaagsan wax u tidhaahdo oo wax u bartid, oo aanad ninna u eexan, laakiin aad jidka Ilaah run ku bartid.
22 Ma xalaal baa inaannu cashuur Kaysar siinno ama inaannan siin?
23 Laakiin khiyaanadooda wuu gartay, oo wuxuu ku yidhi,
24 Dinaar i tusa. Yaa leh masawirkan iyo qorniinkan ku yaal? Waxay yidhaahdeen, Kaysar baa leh.
25 Markaasuu ku yidhi, Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay.
26 Hadalkiisa way ku qaban kari waayeen dadka hortiisa, wayna ka yaabeen jawaabtiisa, oo way aamuseen.
27 Waxaa u yimid qaar Sadukiin ah, kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto.
28 Oo waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, Muuse wuxuu noo qoray, Nin walaalkiis hadduu dhinto isagoo naag leh oo aan carruur lahayn, walaalkiis naagtiisa waa inuu dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo.
29 Haddaba waxaa jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey naag buu qabay, wuuna dhintay carruurla'aan.
30 Kii labaadna wuu guursaday,
31 oo kii saddexaadna waa dumaalay. Sidaasay toddobadii u wada guursadeen, carruurna kama ay tegin, wayna dhinteen.
32 Kulligood dabadeed naagtiina waa dhimatay.
33 Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay, iyaga kee bay naagtiisa ahaan doontaa? Waayo, toddobadu way wada guursadeen.
34 Ciise wuxuu ku yidhi, Wiilashii wakhtigan waa guursadaan, guurna waa la siiyaa,
35 laakiin kuwa loo xisaabay inay istaahilaan inay gaadhaan wakhtigaas iyo ka soo sarakicidda kuwii dhintay ma guursadaan, guurna lama siiyo,
36 waayo, kol dambe ma dhiman karaan, maxaa yeelay, waxay yihiin sida malaa'igaha, oo waxay yihiin wiilashii Ilaah iyagoo ah wiilashii sarakicidda.
37 Laakiin in kuwii dhintay la sara kiciyo Muuse ayaa tilmaamay xaggii geedka markuu Rabbiga ugu yeedhay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub.
38 Laakiin isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool, waayo, dhammaan isagay u nool yihiin.
39 Culimmada qaarkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, si wanaagsan ayaad u hadashay.
40 Kol dambe kuma ay dhicin inay wax weyddiiyaan.
41 Wuxuuna ku yidhi, Sidee bay u yidhaahdaan, Masiixu waa ina Daa'uud?
LUUKOS 20 in Kitaabka Quduuska Ah