Text copied!
Bibles in Somali

LUUKOS 11:16-41 in Somali

Help us?

LUUKOS 11:16-41 in Kitaabka Quduuska Ah

16 Markaasaa kuwa kale oo jirrabaya waxay ka doonayeen inuu calaamo cirka ka tuso.
17 Laakiin isagoo garanaya fikirradooda ayuu ku yidhi, Boqortooyo walba oo kala qaybsantaa, cidla' bay noqotaa, guri guri ka qaybsamaana waa dumaa.
18 Shayddaankuna hadduu kala qaybsamo, boqortooyadiisu sidee bay u taagnaan doontaa? Waayo, waxaad tidhaahdaan, Waxaad jinniyo ku saartaa Be'elsebul.
19 Anigu haddii aan jinniyada ku saaro Be'elsebul, wiilashiinna yay ku saaraan? Sidaa darteed iyagu waxay ahaanayaan xaakinnadiinna.
20 Laakiin haddaan jinniyada ku saaro farta Ilaah, waxaa idiin timid boqortooyada Ilaah.
21 Nin xoog leh oo hubaysan markuu ilaalinayo barxaddiisa, alaabtiisu waa nabad gelaysaa.
22 Laakiin mid ka xoog badan goortuu ku soo baxo oo ka adkaado, wuxuu ka qaadaa hubkiisii uu isku halleeyey, oo wuu qaybiyaa wuxuu ka dhacay.
23 Kan aan ila jirin waa iga gees, oo kan aan ila ururin waa firdhiyaa.
24 Jinniga wasakhda leh goortuu ninka ka baxo, wuxuu maraa meelo aan biyo lahayn, isagoo nasasho doonaya, oo markuu heli waayo, wuxuu yidhaahdaa, Waxaan ku noqonayaa gurigaygii aan ka baxay.
25 Oo goortuu yimaado wuxuu helaa isagoo xaaqan oo hagaagsan.
26 Markaasuu tagaa oo wuxuu wataa toddoba jinni oo kale oo ka xunxun isaga, wayna galaan oo halkaas joogaan. Ninkaas wakhtigiisa dambe ayaa ka darnaada wakhtiga hore.
27 Waxaa dhacay goortuu waxyaalahaas yidhi, in qof dumar ah oo dadka ka mid ah codkeeda kor u qaadday oo ku tidhi, Waxaa barakaysan uurka ku siday iyo naasihii aad nuugtay.
28 Laakiin wuxuu ku yidhi, Runtaa, laakiin waxaa barakaysan kuwa ereyga Ilaah maqla oo xajiya.
29 Goortii dadkii badnaa isugu soo ururayeen, wuxuu bilaabay inuu yidhaahdo, Qarniganu waa qarni shareed; calaamo bay doonayaan, lamana siin doono, calaamada Yoonis maahee.
30 Waayo, sida Yoonis calaamo ugu noqday reer Nineweh, sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanahu calaamo ugu ahaan doonaa qarnigan.
31 Boqoradda koonfureed waxay xisaabta la kici doontaa dadka qarnigan, wayna xukumi doontaa, waayo, waxay ka timid meesha dhulka ugu shishaysa inay xigmadda Sulaymaan maqasho, oo bal eeg, mid Sulaymaan ka weyn ayaa halkan jooga.
32 Nimanka Nineweh waxay xisaabta isla taagi doonaan dadka qarnigan, wayna xukumi doonaan, waayo, waxay ku toobadkeeneen wacdigii Yoonis, oo bal eeg, mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga.
33 Ma jiro nin, goortuu ilays shido, dhiga meel qarsoon ama weel hoostiisa, laakiin wuxuu saaraa meeshii ilayska si ay kuwa soo galaa iftiinka u arkaan.
34 Ilayska jidhkaagu waa ishaada, ishaaduna markay hagaagsan tahay, jidhkaaga oo dhammu waa iftiimaa, laakiin goortay xun tahay, jidhkaaguna waa gudcur.
35 Haddaba iska jir si iftiinka kugu jiraa aanu gudcur u ahaan.
36 Haddaba haddii jidhkaaga oo dhammu iftiimo, aanuna lahayn meel gudcur ah, waa wada iftiimaa, sida goortii ilayska dhalaalayaa uu kuu iftiimiyo.
37 Goortuu hadlayay, nin Farrisi ah ayaa weyddiistay inuu wax la cuno; wuuna galay gurigiisa, oo cunto u fadhiistay.
38 Farrisigii markuu arkay waa yaabay, waayo, cuntada horteed ma uu faraxalan.
39 Sayidka ayaa ku yidhi, Haddeer idinkoo Farrisiin ah waxaad dusha ka nadiifisaan koobka iyo xeedhada, laakiin xaggiinna hoose waxaa ka buuxa dulun iyo shar.
40 Doqonno yahow, kii dusha sameeyey miyaanu gudahana samaynin?
41 Laakiin waxa gudaha ah sadaqad u bixiya, oo bal eeg, wax walba waa idiin nadiifsan yihiin.
LUUKOS 11 in Kitaabka Quduuska Ah