Text copied!
Bibles in Somali

LUUKOS 10:12-16 in Somali

Help us?

LUUKOS 10:12-16 in Kitaabka Quduuska Ah

12 Waxaan idinku leeyahay, Maalintaas Sodom ayaa ka xisaab fududaan doonta magaaldaas.
13 Waa kuu hoog, Khorasinay. Waa kuu hoog, Beytsayday, waayo, shuqulladii xoogga lahaa oo laydinku dhex sameeyey haddii Turos iyo Siidoon lagu samayn lahaa, goor horay toobadkeeni lahaayeen, iyagoo dhar joonyad ah gashan oo dambas ku fadhiya.
14 Laakiin maalinta xisaabta Turos iyo Siidoon waa idinka xisaab fududaan doonaan.
15 Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaa lagu dejin doonaa Haadees.
16 Kan idin maqlaa waa i maqlaa, kan idin diidaana, waa i diidaa, kan i diidaana, wuxuu diidaa kii i soo diray.
LUUKOS 10 in Kitaabka Quduuska Ah