Text copied!
Bibles in Somali

LAAWIYIINTII 20:20-22 in Somali

Help us?

LAAWIYIINTII 20:20-22 in Kitaabka Quduuska Ah

20 Oo haddii nin la seexdo naagta adeerkiis, kaasu wuxuu qaawiyey cawradii adeerkiis; iyagu waxay qaadan doonaan dembigooda, oo waxay dhiman doonaan iyagoo gablan ah.
21 Oo haddii nin kaxaysto naagta walaalkiis, taasu waa nijaas, waayo, wuxuu qaawiyey cawradii walaalkiis, oo iyagu waxay ahaan doonaan gablan.
22 Haddaba waa inaad wada xajisaan oo yeeshaan qaynuunnadayda oo dhan iyo xukummadayda oo dhan, si dalka aan idin geeynayo inaad degtaan uusan idiin mantagin.
LAAWIYIINTII 20 in Kitaabka Quduuska Ah