Text copied!
Bibles in Somali

GABAYGII SULAYMAAN 7:11-13 in Somali

Help us?

GABAYGII SULAYMAAN 7:11-13 in Kitaabka Quduuska Ah

11 Gacaliyahaygow, kaalay, aynu duurka isla tagnee, Oo aynu tuulooyinka ku soo dhaxnee.
12 Aynu aroor hore beercanabyada tagnee, Oo aynu soo aragno bal in canabkii magoolay, oo ay ubixiisii soo muuqdeen, Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale; Oo halkaasaan jacaylkayga kugu siin doonaa.
13 Ubixii duudaygu way soo carfayaan, Oo albaabbadayada agtooda waxaa yaal midho cayn kasta ah oo cusayb iyo duugba leh, Oo adigaan kuu kaydiyey, gacaliyahaygiiyow.
GABAYGII SULAYMAAN 7 in Kitaabka Quduuska Ah