Text copied!
Bibles in Somali

GABAYGII SULAYMAAN 2:1-8 in Somali

Help us?

GABAYGII SULAYMAAN 2:1-8 in Kitaabka Quduuska Ah

1 Anigu waxaan ahay ubaxnarjiska Shaaroon, Iyo ubaxshooshanka dooxooyinka.
2 Sida ubaxshooshanku qodxanta ku dhex yahay, Ayay taan jeclahayna gabdhaha ku dhex tahay.
3 Sida geedka tufaaxa ahu uu dhirta duurka ku dhex yahay, Ayuu gacaliyahayguna wiilasha ku dhex yahay. Hooskiisaan fadhiistay anigoo aad u faraxsan, Oo midhihiisuna way ila dhadhan macaanaayeen.
4 Wuxuu i keenay guriga diyaafadda, Oo calankiisii i kor sudhnaana wuxuu ahaa jacayl.
5 Sabiib igu quudi, oo tufaax igu noolee, Waayo, anigu caashaq baan la bukaa.
6 Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosaysaa, Oo gacantiisa midigna way igu duuban tahay.
7 Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin Ilaa uu doono.
8 Waa kaa codkii gacaliyahaygu! Bal eega, wuu soo socdaa, Isagoo buuraha korkooda ku soo boodboodaya, oo kuraha dushooda ku faclaynaya.
GABAYGII SULAYMAAN 2 in Kitaabka Quduuska Ah