Text copied!
Bibles in Somali

FALIMAHA RASUULLADA 2:21-32 in Somali

Help us?

FALIMAHA RASUULLADA 2:21-32 in Kitaabka Quduuska Ah

21 Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii magaca Rabbiga ku dhawaaqaa, uu badbaadi doono.
22 Rag yahow reer binu Israa'iil, hadalladan maqla; Ciisihii reer Naasared oo ahaa nin Ilaah idiinku caddeeyey shuqullo xoog leh iyo yaabab iyo calaamooyin oo Ilaah ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiinna, sidaad idinka qudhiinnuba u og tihiin,
23 markii isaga lagu gacangeliyey taladii Ilaah goostay oo uu hore u ogaa, gacanta sharcilaawayaasha ayaad ku qabateen, waadna ku qodobteen iskutallaabta oo disheen.
24 Isaga Ilaah baa sara kiciyey, oo ka furfuray xanuunkii dhimashada, maxaa yeelay, dhimashadu ma xajin karin.
25 Waayo, Daa'uud baa isaga ka hadlay, oo yidhi, Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku arki jiray, Maxaa yeelay, midigtayduu joogaa si aan la ii dhaqaajin.
26 Taas aawadeed qalbigaygu waa farxay, carrabkayguna waa reyreeyey; Weliba jidhkaygu rajuu ku nasan doonaa.
27 Maxaa yeelay, naftayda Haadees kuma dayn doontid, Kaaga Quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.
28 Waxaad i tustay jidadka nolosha, Hortaadana farxad baad iga buuxin doontaa.
29 Walaalayaalow, waxaan si bayaan ah idiinku sheegi karaa in awowe Daa'uud dhintay, lana aasay, xabaashiisuna ilaa maanta waa inagu dhex taal.
30 Haddaba isagoo nebi ahaa oo ogaa in Ilaah dhaar ugu dhaartay isaga inuu dhashiisa midkood carshigiisa ku fadhiisin doono,
31 wuxuu hore u arkay oo ka hadlay Masiixa sarakiciddiisa inaan isaga Haadees lagu dayn, jidhkiisuna qudhun arag.
32 Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay.
FALIMAHA RASUULLADA 2 in Kitaabka Quduuska Ah