Text copied!
Bibles in Somali

FALIMAHA RASUULLADA 19:17-21 in Somali

Help us?

FALIMAHA RASUULLADA 19:17-21 in Kitaabka Quduuska Ah

17 Markaasaa waxaa taas wada ogaaday Yuhuuddii iyo Gariigtii oo dhan oo Efesos joogtay; baqdinna waa wada gashay dhammaantood, magaca Rabbi Ciisena waa la weyneeyey.
18 Markaasaa qaar badan oo rumaystay yimaadeen iyagoo qiranaya oo caddaysanaya falimahooda.
19 Kuwii sixir fali jirayna qaarkood intay kitaabbadoodii ururiyeen ayay dadka hortooda ku wada gubeen; wayna tiriyeen qiimadooda, oo waxay arkeen inay ahayd konton kun oo gogo' oo lacag ah.
20 Sidaasaa ereygii Rabbigu xoog ugu batay oo u adkaaday.
21 Haddaba markii waxyaalahaasu dhammaadeen ayaa Bawlos ruuxiisa kula talo jiray inuu Yeruusaalem tago markuu Makedoniya iyo Akhaya sii dhex maray dabadeed, isagoo leh, Markaan meeshaas tago dabadeed, waa inaan Roomana arko.
FALIMAHA RASUULLADA 19 in Kitaabka Quduuska Ah