Text copied!
Bibles in Somali

FALIMAHA RASUULLADA 19:10-17 in Somali

Help us?

FALIMAHA RASUULLADA 19:10-17 in Kitaabka Quduuska Ah

10 Taasuna laba sannadood ay socotay, si dadkii Aasiya degganaa, oo Yuhuud iyo Gariigba lahaa, ay u wada maqleen ereyga Rabbiga.
11 Ilaahna wuxuu gacmaha Bawlos ku sameeyey cajaa'ibyo khaas ah,
12 sidaas aawadeedna waxaa jidhkiisa kuwii bukay looga keenay marooyin yaryar ama macawiso, markaasaa cudurradii iyagii daayeen, jinniyadiina waa ka baxeen.
13 Laakiin kuwo Yuhuudda wareegi jirtay ka mid ah oo jinniyosaarayaal ah baa waxay ku talo jireen inay kuwii jinniyada qabay ka dul yidhaahdaan magaca Rabbi Ciise, iyagoo leh, Waxaan idinku dhaarinayaa Ciisaha Bawlos dadka ku wacdiyo.
14 Waxaa jiray oo sidaas sameeyey toddoba wiil oo Iskeba dhalay, kaasoo ahaa wadaad sare oo Yuhuudi ah.
15 Markaasaa jinnigii u jawaabay oo ku yidhi iyagii, Ciise ayaan garanayaa, Bawlosna waan aqaan, idinkuse yaad tihiin?
16 Haddaba ninkii jinniga qabay baa ku booday iyagii, wuuna ka xoog badiyey kulligood, oo ka adkaaday, sidaas darteed ayay gurigaas ka carareen, iyagoo qaawan oo dhaawacan.
17 Markaasaa waxaa taas wada ogaaday Yuhuuddii iyo Gariigtii oo dhan oo Efesos joogtay; baqdinna waa wada gashay dhammaantood, magaca Rabbi Ciisena waa la weyneeyey.
FALIMAHA RASUULLADA 19 in Kitaabka Quduuska Ah