Text copied!
Bibles in Somali

FALIMAHA RASUULLADA 18:22-26 in Somali

Help us?

FALIMAHA RASUULLADA 18:22-26 in Kitaabka Quduuska Ah

22 Oo markuu Kaysariya ku soo degay, ayuu wuxuu u aaday oo salaamay kiniisadda, markaasuu Antiyokh aaday.
23 Markuu intii mudda ah meeshaas joogayna, wuu ka tegey, markaasuu meel meel u sii dhex maray dalalka Galatiya iyo Farugiya isagoo xertii adkaynaya.
24 Haddaba waxaa Efesos yimid Yuhuudi Abolloos la odhan jiray oo reer Iskanderiya ahaa, oo wuxuu ahaa nin hadalyaqaan ah, oo Qorniinka garasho xoog leh u leh.
25 Ninkaas jidka Rabbiga hore baa loo baray; oo isagoo ruuxa ku kulul ayuu ku hadlay oo hagaag u baray waxyaalihii Ciise ku saabsanaa, isagoo garanaya baabtiiskii Yooxanaa oo keliya;
26 oo wuxuu bilaabay inuu geesinimo kaga dhex hadlo sunagogga. Laakiin Bariskilla iyo Akula, markay maqleen isagii, ayay kaxaysteen, kolkaasay aad ugu sii caddeeyeen jidka Ilaah.
FALIMAHA RASUULLADA 18 in Kitaabka Quduuska Ah