Text copied!
Bibles in Somali

FALIMAHA RASUULLADA 17:22-26 in Somali

Help us?

FALIMAHA RASUULLADA 17:22-26 in Kitaabka Quduuska Ah

22 Markaasaa Bawlos oo Are'obagos dhex taagan wuxuu yidhi, Nimankiinan reer Ateenay ahow, wax kasta waxaan idinku garanayaa inaad tihiin kuwo ilaahyada ka cabsada.
23 Waayo, markaan soo socday oo aan arkay waxyaalaha aad caabuddaan waxaan soo arkay oo kale meel allabari oo lagu qoray, Waxaa leh ilaah aan la oqoon. Haddaba waxaad oqoonla'aanta ku caabuddaan ayaan wax idiinka sheegayaa.
24 Ilaaha sameeyey dunida iyo waxyaalaha ku jira oo dhanba, oo ah Rabbiga samada iyo dhulka, ma deggana macbudyo gacmo lagu sameeyey,
25 gacmo dadna looguma adeego sidii isagoo wax u baahan, maxaa yeelay, dhammaan isagaa siiya nolosha iyo neefta iyo wax walbaba;
26 oo quruun kasta oo bini-aadmi ah ayuu isaga mid dhigay inay dunida dusheeda oo dhan degganaadaan isagoo gooyay xilliyaduu hore u diyaarshay iyo xadadka degmooyinkooda;
FALIMAHA RASUULLADA 17 in Kitaabka Quduuska Ah