Text copied!
Bibles in Somali

FALIMAHA RASUULLADA 16:5-10 in Somali

Help us?

FALIMAHA RASUULLADA 16:5-10 in Kitaabka Quduuska Ah

5 Haddaba kiniisadihii iimaankay ku xoogoobeen, oo maalin kastaba tiradoodu waa kordhaysay.
6 Markaasay waxay dhex mareen dhulka Farugiya iyo Galatiya iyagoo Ruuxa Quduuska ahu u diiday inay ereyga kaga dhex hadlaan Aasiya,
7 oo markay Musiya u dhowaadeen waxay isku dayeen inay Bituniya galaan; laakiin Ruuxa Ciise uma oggolaan;
8 markaasay soo dhaafeen Musiya oo waxay yimaadeen Taroo'as.
9 Oo habeennimo ayaa Bawlos wax riyo ku arkay. Waxaa taagnaa nin reer Makedoniya ah isagoo ka baryaya oo leh, Makedoniya kaalay oo na caawi.
10 Oo markuu riyadii arkay dabadeed markiiba waxaannu doonnay inaannu Makedoniya tagno, taasoo nala noqotay in Ilaah noogu yeedhay inaannu iyaga injiilka ku wacdinno.
FALIMAHA RASUULLADA 16 in Kitaabka Quduuska Ah