Text copied!
Bibles in Somali

FALIMAHA RASUULLADA 16:23-35 in Somali

Help us?

FALIMAHA RASUULLADA 16:23-35 in Kitaabka Quduuska Ah

23 Oo markay ulo badan ku dhufteen, ayay xabsiga ku rideen iyagoo ku amraya xabsihayihii inuu aad u ilaaliyo;
24 isaguna markuu amar caynkaas ah helay, wuxuu iyagii ku riday xabsigii ugu hooseeyey, cagahoodana qori buu aad ugu xidhay.
25 Laakiin abbaaraha habeenbadhka Bawlos iyo Silas ayaa tukanayay oo Ilaah gabay ku ammaanayay, maxaabiistuna way dhegaysanayeen;
26 oo filanla'aan waxaa dhacay dhulgariir weyn, sidaas darteed aasaaskii xabsigu waa ruxmay; oo markiiba albaabbadii oo dhammu waa wada furmeen; mid walbana silsiladihiisii waa ka furmeen.
27 Xabsihayihiina markuu hurdada ka toosay oo arkay albaabbadii xabsiga oo wada furmay, ayuu seeftiisii la baxay oo ku dhowaaday inuu isdilo, maxaa yeelay, wuxuu u malaynayay maxaabiistii inay baxsatay.
28 Laakiin Bawlos baa cod weyn ku qayliyey isagoo leh, Waxba ha isyeelin; maxaa yeelay, kulligayo halkaannu wada joognaa.
29 Markaasuu cid u diray siraaddo, oo gudaha ku booday isagoo baqdin la gargariiraya, oo wuxuu ku hor dhacay Bawlos iyo Silas,
30 markaasuu dibadda u soo saaray, oo ku yidhi, Sayidyadow, maxaa igu waajib ah inaan yeelo inaan ku badbaado?
31 Kolkaasay ku yidhaahdeen, Rumayso Rabbi Ciise, waadna badbaadi doontaa, adiga iyo dadka gurigaaguba.
32 Oo ereyga Rabbiga ayay kula hadleen isaga iyo kuwii gurigiisa joogay oo dhan.
33 Markaasuu wakhtiga habeenka qudhiisa iyagii kaxeeyey oo nabrahoodii ka maydhay; oo markiiba waa la baabtiisay isagii iyo dadkiisii oo dhanba.
34 Haddaba gurigiisuu iyagii keenay oo cunto hor dhigay. Isagoo Ilaah rumaysanna ayuu aad ula farxay kuwii gurigiisa joogay oo dhan.
35 Laakiin kolkii ay maalin noqotay ayaa xaakinnadii waxay direen saraakiishii oo leh, Nimankaas sii daa.
FALIMAHA RASUULLADA 16 in Kitaabka Quduuska Ah