Text copied!
Bibles in Somali

FALIMAHA RASUULLADA 16:17-30 in Somali

Help us?

FALIMAHA RASUULLADA 16:17-30 in Kitaabka Quduuska Ah

17 Taasaa Bawlos iyo annaga na soo raacday, wayna qaylisay iyadoo leh, Nimankanu waa addoommadii Ilaaha ugu sarreeya, kuwaasoo idinku wacdiyaya jidka badbaadada.
18 Sidaasna maalmo badan ayay yeelaysay. Laakiin Bawlos oo ka xumaaday ayaa u jeestay oo jinnigii ku yidhi, Magaca Ciise Masiix ayaan kugu amrayaa inaad iyada ka soo baxdid. Markaasuu saacaddiiba ka soo baxay.
19 Laakiin sayidyadeedii, markay arkeen in rajadii faa'iidadoodu dhammaatay, ayay Bawlos iyo Silas qabteen, oo waxay u jiideen suuqa, taliyayaasha hortooda,
20 oo markay xaakinnadana u keeneen, waxay yidhaahdeen, Nimankanu iyagoo Yuhuud ah ayay si weyn magaaladayada u dhibayaan,
21 oo waxay na barayaan caadooyin aan noo xalaal ahayn inaannu aqbalno oo yeelno annagoo reer Rooma ah.
22 Markaasaa dadkii badnaa ku wada kaceen; oo xaakinnadiina dharkoodii bay ka jeexeen, waxayna ku amreen in la uleeyo.
23 Oo markay ulo badan ku dhufteen, ayay xabsiga ku rideen iyagoo ku amraya xabsihayihii inuu aad u ilaaliyo;
24 isaguna markuu amar caynkaas ah helay, wuxuu iyagii ku riday xabsigii ugu hooseeyey, cagahoodana qori buu aad ugu xidhay.
25 Laakiin abbaaraha habeenbadhka Bawlos iyo Silas ayaa tukanayay oo Ilaah gabay ku ammaanayay, maxaabiistuna way dhegaysanayeen;
26 oo filanla'aan waxaa dhacay dhulgariir weyn, sidaas darteed aasaaskii xabsigu waa ruxmay; oo markiiba albaabbadii oo dhammu waa wada furmeen; mid walbana silsiladihiisii waa ka furmeen.
27 Xabsihayihiina markuu hurdada ka toosay oo arkay albaabbadii xabsiga oo wada furmay, ayuu seeftiisii la baxay oo ku dhowaaday inuu isdilo, maxaa yeelay, wuxuu u malaynayay maxaabiistii inay baxsatay.
28 Laakiin Bawlos baa cod weyn ku qayliyey isagoo leh, Waxba ha isyeelin; maxaa yeelay, kulligayo halkaannu wada joognaa.
29 Markaasuu cid u diray siraaddo, oo gudaha ku booday isagoo baqdin la gargariiraya, oo wuxuu ku hor dhacay Bawlos iyo Silas,
30 markaasuu dibadda u soo saaray, oo ku yidhi, Sayidyadow, maxaa igu waajib ah inaan yeelo inaan ku badbaado?
FALIMAHA RASUULLADA 16 in Kitaabka Quduuska Ah