Text copied!
Bibles in Somali

FALIMAHA RASUULLADA 15:12-32 in Somali

Help us?

FALIMAHA RASUULLADA 15:12-32 in Kitaabka Quduuska Ah

12 Dadkii badnaa oo dhammu way wada aamuseen; wayna dhegaysteen Barnabas iyo Bawlos markay uga warramayeen intay ahaayeen calaamooyinkii iyo yaababkii Ilaah gacantooda ku sameeyey dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda.
13 Kolkay aamuseen dabadeed ayaa Yacquub u jawaabay, isagoo leh,
14 Walaalayaalow, i dhegaysta, Simecoon waa ka warramay sidii Ilaah markii ugu horraysay u soo booqday dadka aan Yuhuudda ahayn inuu dad uga soo bixiyo iyaga magiciisa aawadiis.
15 Taasuna waxay raacsan tahay hadalladii nebiyada; siday ugu qoran tahay,
16 Waxyaalahaas dabadeed waan soo noqon doonaa, Oo mar labaad ayaan dhisi doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay; Oo mar labaad ayaan dhisi doonaa jajabkiisa, Waanan taagi doonaa;
17 Si nimankii hadhay ay Rabbiga u doondoonaan, Iyo quruumaha oo dhan oo magacayga loogu yeedho,
18 Taas waxaa yidhi Rabbiga waxyaalahaas muujiyey tan iyo bilowgii dunida.
19 Sidaas daraaddeed taladaydu waxay tahay inaynaan dhibin kuwa ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn oo Ilaah u jeestay;
20 laakiin inaynu u qorno iyagii inay ka fogaadaan wasakhnimada sanamyada, iyo sinada, iyo waxa la ceejiyo, iyo dhiigga.
21 Maxaa yeelay, tan iyo qarniyadii hore waxaa Muuse magaalo walba ku leeyahay kuwa dadka ku wacdiya waxa isaga ku saabsan, oo sabti walba sunagogyadaa laga akhriyaa.
22 Kolkaasay la wanaagsanaatay rasuulladii iyo waayeelladii iyo kiniisaddii oo dhan inay iska dhex doortaan niman ay Antiyokh ula diraan Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo ahaa Yuudas oo la odhan jiray Barsabaas iyo Silas oo ahaa niman madax ah walaalaha dhexdooda.
23 Markaasay qoreen oo iyagii la direen warqad leh, Annagoo ah rasuullada iyo walaalaha waayeellada ah waxaannu soo salaamaynaa walaalaha ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn oo jooga Antiyokh iyo Suuriya iyo Kilikiya.
24 Waxaannu maqallay in kuwo annaga naga tegey hadallo idinku dhibeen, nafihiinnana rogayeen, kuwaasoo aannan u amrin;
25 sidaas daraaddeed waxaa nala wanaagsanaatay, annagoo isku qalbi noqonnay, inaannu soo dooranno niman aannu idiinla soo dirno gacaliyayaashayadii Barnabas iyo Bawlos,
26 kuwaasoo ah niman naftooda u biimeeyey magicii Rabbigeenna Ciise Masiix aawadiis.
27 Sidaas aawadeed waxaannu soo dirnay Yuudas iyo Silas kuwaasoo iyaguna afka idiinka sheegi doona waxyaalahaas oo kale.
28 Waxaa la wanaagsanaatay Ruuxa Quduuska ah iyo annagaba inaannan idin saarin culaab ka weyn waxyaalahan waajibka ah.
29 Waa inaad ka fogaataan waxa sanamyada loo sadqeeyo, iyo dhiig, iyo waxa la ceejiyo, iyo sinada. Kuwaas haddaad iska dhawrtaan si wanaagsan baad yeeli doontaan. Nabadgelyo.
30 Sidaas daraaddeed, kolkii la diray ayay waxay yimaadeen Antiyokh; oo markay dadkii badnaa isu ururiyeen dabadeed waxay u dhiibeen warqaddii.
31 Markay akhriyeenna ayay waanadii ku farxeen.
32 Yuudas iyo Silas, iyagoo qudhooduna nebiyo ahaa, ayay hadallo badan walaalihii ku waaniyeen oo ku xoogeeyeen.
FALIMAHA RASUULLADA 15 in Kitaabka Quduuska Ah