Text copied!
Bibles in Somali

FALIMAHA RASUULLADA 13:6-12 in Somali

Help us?

FALIMAHA RASUULLADA 13:6-12 in Kitaabka Quduuska Ah

6 Oo kolkay gasiiraddii oo dhan dhex mareen ayay waxay yimaadeen Bafos, taas oo ay kala kulmeen nin saaxir ah oo ahaa nebi been ah oo Yuhuudi ah oo magiciisa la odhan jiray Barciise;
7 kaas oo la jiray taliye Sergiyos Bawlos oo ahaa nin garasha leh. Kaasu markuu u yeedhay Barnabas iyo Sawlos, wuxuu doonayay inuu ereyga Ilaah maqlo.
8 Laakiin waxaa iyagii ka hor istaagay saaxirka Elumas (oo sidaas magiciisa loo fasiri jiray), oo wuxuu isku dayayay inuu taliyihii ka leexiyo iimaanka.
9 Laakiin Sawlos, oo ahaa Bawlos, kaasoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxsamay, ayaa aad u fiiriyey,
10 oo ku yidhi, Kaaga khiyaanada iyo xumaanta oo dhammu ka buuxsantay oo ah wiilka Ibliiska iyo cadowga xaqnimada oo dhan, miyaanad ka joogsanayn qalloocinta aad ku qalloocinaysid jidadka toosan oo Rabbiga?
11 Haddaba, bal eeg, gacanta Rabbigu waa ku saaran tahay, oo waad indha beeli doontaa, adigoo aan qorraxda arkayn intii wakhti ah. Kolkaasaa markiiba waxaa ku soo dhacday isagii ceeryaamo iyo gudcur; wuuna warwareegay oo doondoonay nin gacanta ku haga.
12 Kolkaasaa taliyihii, kolkuu arkay wixii dhacay, rumaystay, isagoo ka yaabsan Rabbiga waxbariddiisa.
FALIMAHA RASUULLADA 13 in Kitaabka Quduuska Ah