Text copied!
Bibles in Somali

FALIMAHA RASUULLADA 13:25-41 in Somali

Help us?

FALIMAHA RASUULLADA 13:25-41 in Kitaabka Quduuska Ah

25 Oo intii Yooxanaa shuqulkiisa dhammaynayay, wuxuu yidhi, Yaad u malaynaysaan inaan ahay? Anigu isagii ma ihi. Laakiin, bal eega, waxaa iga daba imanaya mid aanan istaahilin inaan kabaha cagihiisa ka furo.
26 Walaalayaalow, idinkoo ah farcankii Ibraahim iyo kuwa idinku dhex jira oo Ilaah ka cabsadow, innaga ayaa laynoo soo diray ereyga badbaadintan.
27 Waayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii.
28 Oo in kastoo ayan ka helin sabab lagu dilo, ayay waxay Bilaatos weyddiisteen in la dilo.
29 Oo markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen.
30 Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay,
31 oo maalmo badan waxaa isagii arkay kuwii kala yimid Galili ilaa Yeruusaalem kuwaasoo hadda ah markhaati furayaashiisii xagga dadka.
32 Oo waxaannu idin keenaynaa war wanaagsan oo ku saabsan ballankii awowayaasheen loo ballanqaaday,
33 oo ah sidii Ilaah ballankaas ugu oofiyey carruurteenna markuu Ciise sara kiciyey, sida ay Sabuurka labaadna ugu qoran tahay. Waxaad tahay Wiilkayga, maantaan ku dhalay.
34 Isagii buu ka sara kiciyey kuwii dhintay inuusan mar dambe qudhun ku noqon, sidaas daraaddeed ayuu sidan ku hadlay, isagoo leh, Waxaan idin siin doonaa barakooyinka runta ah oo Daa'uud loo ballanqaaday.
35 Saas aawadeed wuxuu Sabuur kale ku yidhi, Kaaga quduuska ah uma oggolaan doontid inuu qudhmo.
36 Maxaa yeelay, Daa'uud markuu qarnigiisa ugu shaqeeyey talada Ilaah dabadeed ayuu dhintay, waana lala xabaalay awowayaashiis, wuuna qudhmay;
37 laakiin kii Ilaah sara kiciyey, ma uu qudhmin.
38 Sidaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey;
39 nin kasta oo isaga rumaystana xaq baa lagaga dhigay wax walba oo sharciga Muuse uusan xaq idinkaga dhigi karin.
40 Sidaas darteed iska jira inaanay idinku dhicin wixii nebiyadu sheegeen iyagoo leh,
41 Bal eega, kuwiinnan wax quudhsadow, yaaba oo luma; Waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul, Oo ah shuqul aydnaan rumaysan doonin, haddii laydiin sheego.
FALIMAHA RASUULLADA 13 in Kitaabka Quduuska Ah