Text copied!
Bibles in Somali

FALIMAHA RASUULLADA 13:12-21 in Somali

Help us?

FALIMAHA RASUULLADA 13:12-21 in Kitaabka Quduuska Ah

12 Kolkaasaa taliyihii, kolkuu arkay wixii dhacay, rumaystay, isagoo ka yaabsan Rabbiga waxbariddiisa.
13 Haddaba Bawlos iyo kuwii la socday ayaa ka dhoofay Bafos, oo waxay yimaadeen Berga oo Bamfuliya ku jirta; markaasaa Yooxanaa ka tegey iyagii oo Yeruusaalem ku noqday.
14 Laakiin iyagu kolkii ay ka tageen Berga waxay yimaadeen Antiyokh oo Bisidiya ku jirta; oo maalintii sabtidana sunagogga ayay galeen oo fadhiisteen.
15 Markii sharcigii iyo nebiyadii la akhriyey dabadeed kuwii sunagogga u sarreeyey ayaa cid u soo diray iyagoo leh, Walaalayaalow, haddaad dadka u haysaan hadal waana ah, dhaha.
16 Markaasaa Bawlos istaagay isagoo gacan haadinaya, oo wuxuu yidhi. Nimanka reer binu Israa'iilow iyo kuwiinna Ilaah ka cabsadow, dhegaysta.
17 Ilaaha dadkan reer binu Israa'iil wuxuu doortay awowayaasheen, dadkana buu sarraysiiyey markay dhulka Masar degganaayeen, oo gacan taagan buuna kaga soo saaray iyagii.
18 Oo wakhti abbaaraha afartan sannadood ah ayuu dabiicaddoodii ugu dulqaatay cidlada.
19 Oo markuu toddoba quruumood ka baabbi'iyey dhulka Kancaan dabadeed ayuu dhulkoodii dhaxal u siiyey iyagii abbaaraha afar boqol iyo konton sannadood;
20 waxyaalahaas dabadeedna wuxuu siiyey xaakinno ilaa nebi Samuu'eel.
21 Dabadeed waxay weyddiisteen boqor, markaasaa Ilaah wuxuu iyagii siiyey Saa'uul ina Qiish oo ahaa nin reer Benyaamiin intii afartan sannadood ah.
FALIMAHA RASUULLADA 13 in Kitaabka Quduuska Ah