Text copied!
Bibles in Somali

FALIMAHA RASUULLADA 12:4-14 in Somali

Help us?

FALIMAHA RASUULLADA 12:4-14 in Kitaabka Quduuska Ah

4 Oo kolkuu qabtayna, wuxuu ku riday xabsi, oo u dhiibay afar kooxood oo afar askari ah inay ilaaliyaan, isagoo doonaya inuu Iidda Kormaridda dabadeed dadka u soo saaro.
5 Sidaas darteed Butros xabsigaa lagu hayay; laakiin kiniisadda baa Ilaah aad iyo aad ugu bariday isaga.
6 Oo markii Herodos damcay inuu soo saaro, isla habeenkaas Butros wuxuu kala dhex hurday laba askari isagoo ku xidhan laba silsiladood; waardiyayaalna albaabka hortiisa ayay xabsiga ka ilaalinayeen.
7 Oo bal eega, malaa'igtii Rabbiga baa is-ag taagtay, oo iftiin baana xabsiga iftiimiyey. Markaasay Butros dhinaca ku dhufatay oo toosisay, oo waxay ku tidhi, Dhaqso u kac. Kolkaasaa silsiladihiina gacmihiisii ka dhaceen.
8 Markaasaa malaa'igtii waxay ku tidhi, Gunto oo kabahaaga xidho. Taas buuna yeelay. Markaasay waxay ku tidhi isagii, Dharkaagii huwo oo i soo raac.
9 Markaasuu soo baxay oo raacay; ma uuna garanaynin in waxay malaa'igtu samaysay ay run tahay, laakiin wuxuu u maleeyey inuu riyo arkay.
10 Oo markay dhaafeen waardiyihii kowaad iyo kii labaad ayay waxay yimaadeen iriddii birta ahayd oo magaalada loo mari jiray; taas oo iyagii isaga furantay; markaasay ka baxeen oo waxay sii dhex mareen jid yar; markiiba malaa'igtii waa ka tagtay isagii.
11 Oo markii Butros isgartay ayuu wuxuu yidhi, Imminka run ahaantii waan garanayaa in Rabbigu malaa'igtiisii soo diray oo iga bixiyey gacanta Herodos iyo wixii dadka Yuhuuddu filanayeen oo dhan.
12 Kolkuu waxaas ka fikiray, wuxuu yimid gurigii Maryan, oo ahayd hooyadii Yooxanaa oo Markos la odhan jiray; meeshaasoo dad badan ku urursanaayeen oo ku tukanayeen.
13 Markuu albaabka iridda garaacayna, waxaa timid gabadh midiidin ah oo Roda la odhan jiray inay maqasho.
14 Kolkay codkii Butros garatay, farxad darteed bay albaabka u furi weyday, laakiin gudaha bay ku orodday, wayna sheegtay in Butros iridda hor taagan yahay.
FALIMAHA RASUULLADA 12 in Kitaabka Quduuska Ah