Text copied!
Bibles in Somali

FALIMAHA RASUULLADA 12:10-17 in Somali

Help us?

FALIMAHA RASUULLADA 12:10-17 in Kitaabka Quduuska Ah

10 Oo markay dhaafeen waardiyihii kowaad iyo kii labaad ayay waxay yimaadeen iriddii birta ahayd oo magaalada loo mari jiray; taas oo iyagii isaga furantay; markaasay ka baxeen oo waxay sii dhex mareen jid yar; markiiba malaa'igtii waa ka tagtay isagii.
11 Oo markii Butros isgartay ayuu wuxuu yidhi, Imminka run ahaantii waan garanayaa in Rabbigu malaa'igtiisii soo diray oo iga bixiyey gacanta Herodos iyo wixii dadka Yuhuuddu filanayeen oo dhan.
12 Kolkuu waxaas ka fikiray, wuxuu yimid gurigii Maryan, oo ahayd hooyadii Yooxanaa oo Markos la odhan jiray; meeshaasoo dad badan ku urursanaayeen oo ku tukanayeen.
13 Markuu albaabka iridda garaacayna, waxaa timid gabadh midiidin ah oo Roda la odhan jiray inay maqasho.
14 Kolkay codkii Butros garatay, farxad darteed bay albaabka u furi weyday, laakiin gudaha bay ku orodday, wayna sheegtay in Butros iridda hor taagan yahay.
15 Markaasay waxay ku yidhaahdeen iyadii, Waad waalan tahay. Laakiin way ku sii adkaysatay inay sidaa tahay. Iyaguse waxay yidhaahdeen, Waa malaa'igtiisii.
16 Laakiin Butros waa sii garaacay, oo kolkay albaabka fureenna, way arkeen isagii, wayna yaabeen.
17 Laakiin isagoo u gacan haadinaya inay aamusaan ayuu wuxuu u sheegay sida Rabbigu xabsiga uga soo saaray. Wuxuuna ku yidhi, Waxyaalahan u sheega Yacquub iyo walaalahaba. Markaasuu ka tegey oo meel kale aaday.
FALIMAHA RASUULLADA 12 in Kitaabka Quduuska Ah