Text copied!
Bibles in Somali

FALIMAHA RASUULLADA 10:10-14 in Somali

Help us?

FALIMAHA RASUULLADA 10:10-14 in Kitaabka Quduuska Ah

10 waana gaajooday oo wuxuu doonayay inuu wax cuno; laakiin intay wax u diyaarinayeen ayuu riyooday,
11 wuxuuna arkay samada oo furantay, oo waxaa soo degayay weel sida shiraaq weyn oo kale oo afartiisa geesood loogu soo dejinayo dhulka;
12 oo waxaana ku jiray jinsi kasta oo xayawaan afar lugood leh iyo waxa dhulka gurguurta iyo haadda cirka.
13 Oo waxaa isaga u yimid cod leh, Kac, Butrosow; gowrac oo cun.
14 Laakiin Butros wuxuu yidhi, Saas yaanay noqon, Rabbiyow, maxaa yeelay, weligay ma aan cunin wax xaaraan ah oo aan nadiif ahayn.
FALIMAHA RASUULLADA 10 in Kitaabka Quduuska Ah