2 Oo isna markaasuu wejigiisii derbiga ku sii jeediyey, oo Rabbiga baryay, oo yidhi,
3 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay.
4 Oo intaanu Ishacyaah weli magaalada dhexe u bixin ayaa eraygii Rabbigu isagii u yimid oo ku yidhi,