Text copied!
Bibles in Somali

BOQORRADII KOWAAD 2:19-31 in Somali

Help us?

BOQORRADII KOWAAD 2:19-31 in Kitaabka Quduuska Ah

19 Sidaas daraaddeed Batshebac waxay u tagtay Boqor Sulaymaan inay ula hadasho Adoniiyaah. Boqorkiina wuu u sara joogsaday inuu iyada soo dhoweeyo, wuuna u foororsaday iyadii, markaasuu carshigiisii ku fadhiistay, oo wuxuu amray in carshi loo dhigo hooyadiis, markaasay midigtiisa fadhiisatay.
20 Kolkaasay tidhi, Wax yar baan kaa baryayaaye, hana ii diidin. Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Hooyoy, ii sheeg, waayo, kuu diidi maayo.
21 Markaasay tidhi, Abiishag tan reer Shuuneem ha la siiyo walaalkaa Adoniiyaah ha guursadee.
22 Kolkaasaa Boqor Sulaymaan hooyadiis ugu jawaabay, Abiishag tan reer Shuuneem maxaad Adoniiyaah ugu doonaysaa? Haddaba boqortooyadana u doon, waayo, isagu waa walaalkay iga weyn, u doon isaga, iyo wadaadka Aabyaataar, iyo Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay.
23 Markaasaa Boqor Sulaymaan Rabbiga ku dhaartay, oo yidhi, Hadalkan uu Adoniiyaah ku hadlay hadduusan naftiisa ka gees noqon, Ilaah ha igu sameeyo saas iyo si ka sii badanba.
24 Haddaba waxaan ku dhaartay nolosha Rabbigii xoogga ii yeelay, oo igu fadhiisiyey carshigii aabbahay Daa'uud, oo reerka iigu yeelay siduu iigu ballanqaaday, hubaal Adoniiyaah maanta waa la dilayaa.
25 Markaasaa Boqor Sulaymaan u diray Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo isna wuu dilay, Adoniiyaahna waa dhintay.
26 Oo boqorkiina wuxuu wadaadkii Aabyaataar ahaa ku yidhi, Waxaad tagtaa Canaatood iyo ilaa beerahaagii, waayo, waxaad istaahishaa in lagu dilo, laakiinse haatan ku dili maayo, waayo, aabbahay Daa'uud waad ku hor sidi jirtay sanduuqii Sayidka Rabbiga ah, oo waxaa lagugu dhibi jiray wax kasta oo aabbahay lagu dhibi jiray.
27 Sidaasuu Sulaymaan Aabyaataar uga eryay wadaadnimadii Rabbiga inuu oofiyo Eraygii Rabbiga ee uu kaga hadlay reerka Ceelii xagga Shiiloh.
28 Markaasaa warkii u yimid Yoo'aab, waayo, Yoo'aab wuxuu raacay Adoniiyaah in kastoo uusan raacin Absaaloom. Kolkaasaa Yoo'aab u cararay Teendhadii Rabbiga, oo qabsaday geesihii meeshii allabariga.
29 Markaasaa taas loo soo sheegay Boqor Sulaymaan, oo lagu yidhi, Yoo'aab Teendhadii Rabbiga ayuu u cararay, oo wuxuu ag jooga meeshii allabariga. Dabadeedna Sulaymaan wuxuu diray Benaayaah ina Yehooyaadaac oo wuxuu ku yidhi, Tag oo soo dil.
30 Markaasaa Benaayaah Teendhadii Rabbiga soo galay oo ku yidhi, Boqorkii wuxuu leeyahay, Soo bax. Isna wuxuu yidhi, Maya, laakiinse halkanaan ku dhimanayaa. Oo Benaayaah haddana boqorkii buu u war keenay oo ku yidhi, Yoo'aab saasuu yidhi, oo saasuu iigu jawaabay.
31 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Siduu kugu yidhi yeel, oo dil isaga, oo soo xabaal, inaad aniga iyo reerka aabbahayba naga dul qaaddid dhiiggii Yoo'aab sababla'aanta ku daadiyey.
BOQORRADII KOWAAD 2 in Kitaabka Quduuska Ah