Text copied!
Bibles in Somali

BOQORRADII KOWAAD 22:43-47 in Somali

Help us?

BOQORRADII KOWAAD 22:43-47 in Kitaabka Quduuska Ah

43 Oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Aasaa ku socday oo dhan, oo geesna ugama uu leexan, oo wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa ayuu sameeyey. Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in, oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sare.
44 Oo Yehooshaafaadna nabad buu la dhigtay boqorkii dalka Israa'iil.
45 Haddaba Yehooshaafaad falimihiisii kale, iyo xooggiisii uu muujiyey, iyo sidii uu u dagaallamayba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
46 Oo makhnuudyadii intii wakhtigii aabbihiis Aasaa ka hadhayna dalka wuu ka wada eryay.
47 Oo Edomna boqor ma lahayn, laakiinse waxaa u talin jiray boqor-ku-xigeen.
BOQORRADII KOWAAD 22 in Kitaabka Quduuska Ah