Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - WACDIYAHII - WACDIYAHII 12

WACDIYAHII 12:10-13

Help us?
Click on verse(s) to share them!
10Wacdiyuhu wuxuu doonay inuu soo helo erayo la aqbalo iyo wixii si qumman loo qoray oo ahaa hadal run ah.
11Erayada kuwa xigmadda lahu waa sida wax wax muda oo kale, oo maahmaahyada la soo ururshayna waa sida musmaarro la adkeeyey; adhijir qudha ayaa bixiyey.
12Oo weliba, wiilkaygiiyow, waxyaalahan ku waano qaado. Buugag badan samayntoodu innaba dhammaad ma leh, oo waxbarashada badanuna jidhkay daalisaa.
13Xaalkan soo koobiddiisii waa tan. Waa la wada maqlay. Ilaah ka cabso, oo amarradiisana dhawr, waayo, taasu waa waxa binu-aadmiga oo dhan u gudboon.

Read WACDIYAHII 12WACDIYAHII 12
Compare WACDIYAHII 12:10-13WACDIYAHII 12:10-13