Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - TIRINTII - TIRINTII 10

TIRINTII 10:2-33

Help us?
Click on verse(s) to share them!
2Laba turumbo oo lacag ah samayso, oo waxaad iyaga ka samaysaa lacag la tumay, oo waa inaad u isticmaashaa ururka markaad isugu yeedhayso iyo markay xerooyinkii guurayaan.
3Oo markii iyaga laga dhawaajiyo, ururka oo dhammu waa inay kuugu soo shiraan iridda teendhada shirka.
4Oo haddii mid keliya la afuufo markaas waxaa kuu soo shiraya amiirrada ah utaliyayaasha kumanyaalka reer binu Israa'iil.
5Oo markaad turumbada digtoonaanta afuuftaan, xerooyinka xagga bari degganu waa inay guuraan.
6Oo haddana markaad turumbada digtoonaanta afuuftaan mar labaad, xerooyinka xagga koonfureed degganu ha guureen; oo waa inay afuufaan turumbo digtoonaaneed guuriddooda aawadeed.
7Laakiinse markii shirka laysu soo ururinayo waa inaad turumbada afuuftaan, laakiinse tan digtoonaanta ha ka dhawaajinina.
8Oo wadaaddada ah wiilasha Haaruun waa inay turumbooyinka afuufaan, oo iyagu waa inay idiin ahaadaan qaynuun tan iyo qarniyadiinna oo dhan.
9Oo markaad waddankiinna dhexdiisa dagaal ugu baxaysaan cadowgiinna idin cadaadiya waa inaad digtoonaan kaga dhawaajisaan turumbooyinka, oo markaasuu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin xusuusan doonaa, oo cadaawayaashiinna ayaa laydinka badbaadin doonaa.
10Oo weliba maalintii aad faraxdaan, iyo markaad iidihiinna la amray dhawrtaan, iyo markay bilaha idiin dhashaan, waa inaad turumbooyinka ku dul dhawaajisaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryada qurbaannadiina nabaadiinada ah, oo iyana xusuus bay idiinku noqon doonaan Ilaahiinna hortiisa, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
11Sannaddii labaad, bisheedii labaad, maalinteedii labaatanaad ayaa daruurtii laga qaaday taambuuggii maragga korkiisa.
12Oo markaasay reer binu Israa'iil cidlada Siinay uga guureen sida sodcaalkoodii loo amray, oo daruurtiina waxay degtay cidladii Faaraan.
13Oo iyana markii hore waxay sodcaalkoodii ku bilaabeen amarkii Rabbigu u soo dhiibay Muuse.
14Oo horta waxaa baxay calankii xeradii reer Yahuudah siday ciidammadoodu ahaayeen. Oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Naxshoon ina Cammiinaadaab.
15Oo qabiilka reer Isaakaar ciidankoodana waxaa u sarreeyey Netaneel ina Suucaar.
16Oo qabiilka reer Sebulun ciidankoodana waxaa u sarreeyey Elii'aab ina Xeelon.
17Markaasaa taambuuggii la furay oo reer Gershoon iyo reer Meraarii oo taambuugga qaadi jiray ayaa baxay.
18Oo haddana waxaa baxay calankii xeradii reer Ruubeen siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Eliisuur ina Shedeeyuur.
19Oo qabiilkii reer Simecoon ciidankoodana waxaa u sarreeyey Shelumii'eel ina Suuriishadday.
20Oo qabiilkii reer Gaad ciidankoodana waxaa u sarreeyey Eliyaasaaf ina Decuu'eel.
21Oo haddana waxaa baxay reer Qohaad oo teendhadii quduuska ahayd sida, oo kuwii kalena taambuuggay dhiseen intay iyagu soo socdeen.
22Oo haddana waxaa baxay calankii xeradii reer Efrayim siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Eliishaamaac ina Cammiihuud.
23Oo qabiilka reer Manaseh ciidankoodana waxaa u sarreeyey Gamalii'eel ina Fedaahsuur.
24Oo qabiilka reer Benyaamiin ciidankoodana waxaa u sarreeyey Abiidaan ina Gidconii.
25Oo haddana calankii xeradii reer Daan oo ugu wada dambeeyey xerooyinka oo dhan ayaa baxay siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Axiiceser ina Cammiishadday.
26Oo qabiilka reer Aasheer ciidankoodana waxaa u sarreeyey Fagcii'eel ina Cokraan.
27Oo qabiilkii reer Naftaali ciidankoodana waxaa u sarreeyey Axiirac ina Ceynaan.
28Sidaasay reer binu Israa'iil u sodcaaleen siday ciidammadoodu ahaayeen, oo hore bay u bexeen.
29Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi Xoobaab ina Recuu'eel oo reer Midyaan ahaa, oo Muuse soddog u ahaa, Annagu waxaannu u sodcaalaynaa meeshii Rabbigu yidhi, Waan idin siinayaa. Haddaba na soo raac, oo annana wanaag waannu kuu samaynaynaa, maxaa yeelay, Rabbigu wanaag ayuu ugu ballanqaaday reer binu Israa'iil.
30Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, Anigu tegi maayo, laakiinse waxaan u kacayaa dalkaygii iyo dadkaygii.
31Oo isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye ha naga tegin, waayo, adigu waad garanaysaa sida roon ee aannu cidlada u degno, oo waxaad noo ahaanaysaa indho oo kale.
32Oo weliba haddaad na raacdo, wax kasta oo wanaagsan oo Rabbigu noo sameeyo annana waannu kuu samaynaynaa.
33Oo iyaguna buurtii Rabbiga ayay saddex maalmood socodkood ka sii sodcaaleen, sanduuqii axdiga Rabbiguna iyaguu hor kacay intii saddex maalmood socodkood ah, inuu iyaga u sii doondoono meel ay ku nastaan.

Read TIRINTII 10TIRINTII 10
Compare TIRINTII 10:2-33TIRINTII 10:2-33