Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - 2 TESALONIIKA

2 TESALONIIKA 3

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Noo soo duceeya in ereyga Rabbigu dhaqso u faafo oo loo ammaano sida dhexdiinna loogu ammaano,
2oo lanaga badbaadiyo dadka qalloocan oo sharka ah, waayo, rumaysad lama wada laha.
3Laakiinse Rabbigu waa aamin; wuuna idin xoogayn doonaa, sharkana wuu idinka ilaalin doonaa.
4Xaggiinnana Rabbiga waannu aaminsan nahay inaad samaysaan oo aad samayn doontaan wixii aannu idinku amarno.
5Rabbigu qalbiyadiinna ha ku toosiyo jacaylka Ilaah iyo dulqaadashada Masiixa.
6Hadda walaalayaalow, waxaannu magaca Rabbigeenna Ciise Masiix idinku amraynaa inaad ka fogaataan walaal kasta oo si aan hagaagsanayn u socda oo aan ku soconayn cilmigii ay naga heleen.
7Waayo, idinka qudhiinnuba waad garanaysaan sida idinku waajibka ah inaad nagu dayataan; waayo, si aan hagaagsanayn uma aannu socon markaannu idin dhex joognay.
8Ninnana kama aannu cunin kibis aannan wax ka bixin, laakiin dhib iyo daal ayaannu ku shaqaysannay habeen iyo maalinba inaannan midkiinna culaysin;
9mana aha inaannan amar u lahayn, laakiinse waa inaannu masaal idiin noqonno oo aad nagu dayataan.
10Waayo, xataa markaannu idinla joognay, waxaannu idinku amarnay, Mid hadduusan doonayn inuu shaqeeyo yuusan waxba cunin.
11Laakiin waxaannu maqalnay inay idin dhex joogaan kuwo si aan hagaagsanayn u socda oo aan innaba shaqayn, laakiin axwaalka dadka kale faraggeliya.
12Kuwa caynkaas ah waxaannu Rabbi Ciise Masiix ku amraynaa oo ku waaninaynaa inay xasilloonaan ku shaqaystaan oo kibistooda cunaan.
13Idinkuse, walaalayaalow, wanaagfallidda ha ka qalbi jabina.
14Haddii nin addeeci waayo waxaannu warqaddan ku qornay, ninkaas iska jira oo ha raacina si uu isugu yaxyaxo.
15Weliba sida cadow ha ula macaamiloonina, laakiin sida walaalkiin u waaniya.
16Haddaba Rabbiga nabadda qudhiisu mar walba si kasta nabad ha idiin siiyo. Rabbigu kulligiin ha idinla jiro.
17Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa; waana u calaamo warqad kasta oo tayda ah. Sidaasaan u qoraa.
18Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin.