Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - 2 TESALONIIKA

2 TESALONIIKA 2

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Xagga Rabbi Ciise Masiix imaatinkiisa iyo ururkeenna aynu la kulmi doonno isaga, waxaannu idinka baryaynaa, walaalayaalow,
2inaan caqligiinnu dhaqso u qasmin ama aydnaan ku argaggixin ruux, ama hadal, ama warqad sida mid annagu aannu soo dirnay, sidii iyadoo maalintii Rabbigu hadda joogto.
3Sinaba yaan laydiin khiyaanayn, waayo, maalintaasu ma iman doonto ilamaa horta Ilaah laga fallaagoobo, oo la muujiyo ninka dembiga oo ah wiilka halaagga,
4kan ka geesta ah oo iska sarraysiiya wax alla waxa Ilaah la yidhaahdo oo dhan iyo waxa la caabudo oo dhan, oo sidaasuu u dhex fadhiistaa macbudka Ilaah isagoo qudhiisu Ilaah iska dhigaya.
5Miyeydnaan xusuusnayn inaan waxyaalahan idiin sheegay markii aan weli idinla joogay?
6Haatan waad garanaysaan waxa joojinaya in isaga wakhtigiisa la muujiyo.
7Waayo, qarsoodiga dembigu haatan waa shaqaynayaa, laakiin kan haddeer joojinayaa wuxuu joojinayaa ilaa jidka laga qaado isaga.
8Markaas waxaa la muujin doonaa sharcilaawaha, kan Rabbi Ciise ku halligi doono neefta afkiisa, oo imaatinka muuqashadiisa uu ku baabbi'in doono.
9Kaas imaatinkiisu waa sida shuqul Shayddaan oo leh xoog iyo calaamooyin iyo cajaa'ibyo been ah oo dhan,
10iyo khiyaanada xaqdarrada oo dhan. Waxaana leh kuwa lumaya, maxaa yeelay, waxay diideen inay runta jeclaadaan oo ay sidaas u badbaadaan.
11Oo sababtaas daraaddeed ayaa Ilaah ugu soo diraa wax qalad kaga dhex shaqeeya si ay been u rumaystaan,
12in kuwa aan runta rumaysan, laakiinse xaqdarrada ku farxay, kulligood la wada xukumo.
13Laakiin waxaa nagu waajib ah inaannu mar walba aawadiin Ilaah ugu mahadnaqno, walaalayaasha Rabbigu jecel yahayow, waayo, waxaa Ilaah bilowgii idiin doortay badbaado ka timaada Ruuxa quduus idinka dhigaya, iyo rumaysadka runta,
14tan uu idiinku yeedhay injiilkayaga inaad heshaan ammaanta Rabbigeenna Ciise Masiix.
15Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, xoogaysta, oo cilmigii laydin baray xajista, ha noqoto wixii hadal laydinku baray ama wixii warqaddayada laydinku baraye.
16Rabbigeenna Ciise Masiix qudhiisa iyo Ilaaha Aabbeheen ah, kan ina jeclaaday oo nimcadiisa inagu siiyey dhiirranaanta weligeed ah iyo rajada wanaagsan,
17qalbiyadiinna ha dhiirrigeliyo oo ha ku xoogeeyo shuqul iyo hadal walba oo wanaagsan.