Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - ISHACYAAH

ISHACYAAH 20

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Sannaddii Sargoon oo ahaa boqorkii Ashuur uu Tartaan Ashdood u diray, oo uu tegey, oo la diriray oo qabsaday Ashdood,
2ayaa Rabbigu Ishacyaah ina Aamoos la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Tag, oo dharka joonyadda ah dhexdaada ka fur, oo kabahaagana iska siib. Oo isna saasuu yeelay, oo wuxuu socday isagoo qaawan oo caga cad.
3Markaasaa Rabbigu wuxuu yidhi, Sidii addoonkaygii Ishacyaah saddex sannadood qaawanaan iyo cago caddaan uu ugu socday inuu calaamad iyo yaab Masar iyo Itoobiyaba u ahaado
4ayaa boqorka Ashuur kaxaysan doonaa maxaabiista Masar iyo masaafurisyada Itoobiya, yar iyo weynba, iyagoo qaaqaawan oo wada cagacad, oo badhidoodu muuqato, si uu Masriyiinta u ceebeeyo aawadeed.
5Markaasaa la nixi doonaa oo la ceeboobi doonaa Itoobiya oo rajadoodii ahayd aawadeed iyo Masar oo sharaftoodii ahayd aawadeed.
6Oo kuwa xeebta degganu waxay wakhtigaas odhan doonaan, Bal eega wixii ku dhacay kuwii aan isku hallaynaynay oo aan caawimaad ugu cararaynay inay boqorka Ashuur naga samatabbixiyaan Oo bal annagu sidee baannu u baxsanaynaa?