Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - AYUUB

AYUUB 12

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2Shakila'aan waxaad tihiin dadkii, Oo xigmad baa idinla dhiman doonta.
3Laakiinse aniguba waxgarasho baan leeyahay sidiinna oo kale, Oo weliba idinkama aan liito. Bal waxyaalahan oo kale kan aan garanaynu waa ayo?
4Waxaan la mid ahay sida mid saaxiibkiisu ku maadaysto, Anoo Ilaah baryay oo isna uu ii jawaabay, Ninkii xaq ah oo qumman waa lagu maadaystaa.
5Kii istareexsan fikirkiisu waa yaraystaa nasiibdarrada, Laakiinse diyaar bay u tahay kuwa cagtoodu simbiriirixato.
6Kuwa wax dhaca teendhooyinkoodu way barwaaqoobaan, Oo kuwa Ilaah ka cadhaysiiyaana ammaan bay ku joogaan, Oo Ilaahna gacmahooduu wax kasta uga buuxshaa.
7Laakiinse haatan bal xayawaanka wax weyddii, oo iyana wax bay ku bari doonaan, Iyo haadka hawada, oo iyana wax bay kuu sheegi doonaan,
8Amase bal dhulka la hadal, oo isna wax buu ku bari doonaa, Oo kalluunka badduna wax buu kuu sheegi doonaa.
9Bal yuu yahay kan aan waxyaalahan oo dhan ka garanayn Inay gacanta Rabbigu waxan samaysay?
10Kaasoo gacantiisa ku haya nafta wax kasta oo nool Iyo neefta binu-aadmiga oo dhan.
11War sow dhegtu erayada ma kala soocdo, Sida dhanxanagguba cuntadiisa u dhadhamiyo?
12Odayaashu waxay leeyihiin xigmad, Oo cimriga dheerna waxaa laga helaa waxgarasho.
13Isagu wuxuu leeyahay xigmad iyo xoog, Oo wuxuu leeyahay talo iyo waxgarasho.
14Bal eeg, isagu wax buu dumiyaa, Oo wuxuu dumiyana mar dambe lama dhisi karo, Nin buu xidhaa oo wax furi kara lama arko.
15Biyuhuu celiyaa, oo way iska gudhaan, Oo haddana wuu soo daayaa, markaasay dhulka qarqiyaan.
16Xoog iyo xigmaduba isagay la jiraan, Oo kan la khiyaaneeyey iyo kan wax khiyaaneeyaba isagaa iska leh.
17Taliyayaasha wuxuu u kaxaystaa sida booli la dhacay, Xaakinnadana nacasyo buu ka dhigaa.
18Wuxuu furaa boqorrada xidhan, Oo dhex-xidh buuna u xidhaa.

19Wadaaddadana sida booli la dhacay buu u kaxaystaa, Oo kuwa xoogga badanna wuu afgembiyaa.
20Kuwa la aaminayna wuu hadal beeliyaa, Oo odayaashana waxgarashaduu ka qaadaa.
21Amiirrada wuxuu ku shubaa quudhsasho, Kuwa xoogga badanna suunkooduu debciyaa.
22Wuxuu gudcurka ka soo saaraa waxyaalo mool dheer, Oo hooska dhimashadana iftiinkuu u soo bixiyaa.
23Quruumaha wuu badiyaa, oo haddana wuu wada baabbi'iyaa, Oo quruumaha wuu ballaadhiyaa, oo haddana wuu kexeeyaa,
24Wuxuu caqliga ka qaadaa madaxda dadyowga dhulka, Oo wuxuu iyaga ku warwareejiyaa meel cidla ah oo aan jid lahayn.
25Waxay wax ka haabhaabtaan gudcurka iyagoo aan iftiin lahayn, Oo wuxuu iyaga ka dhigaa inay u dhacdhacaan sida nin sakhraan ah.