Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 9

SABUURRADII 9:14-20

Help us?
Click on verse(s) to share them!
14Si aan u muujiyo ammaantaada oo dhan, Badbaadadaada aawadeed ayaan ugu farxi doonaa irdaha Siyoon.
15Quruumihii waxay ku dheceen yamayskii ay qodeen, Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.
16Rabbigu waa ismuujiyey, oo xukun buu dejiyey, Kii shar lahaa waxaa dabay shuqulkii gacmihiisa. (Higgayoon. Selaah)
17Kuwa sharka lahu waxay ku noqonayaan She'ool, Waana quruumaha Ilaah illoobay oo dhan.
18Waayo, kan baahan mar walba lama illoobi doono, Oo masaakiinta waxfilashadooduna weligeed ma baabba'sanaan doonto.
19Rabbiyow, sara joogso, oo dadku yaanay adkaan. Quruumaha hortaada ha lagu xukumo.
20Rabbiyow, iyaga cabsi geli, Oo quruumuhu ha is-ogaadeen inay dad uun yihiin. (Selaah)

Read SABUURRADII 9SABUURRADII 9
Compare SABUURRADII 9:14-20SABUURRADII 9:14-20