Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 9

SABUURRADII 9:1-7

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugu mahadnaqi doonaa, Waxaan muujin doonaa shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
2Waan kugu farxi doonaa oo kugu rayrayn doonaa, Kaaga ah kan ugu sarreeyow, magacaaga ayaan ammaan ugu gabyi doonaa.
3Cadaawayaashaydu markii ay dib u noqdaan, Way kufaan, oo waxay ku halligmaan hortaada.
4Waayo, adigu xaqaygii iyo dacwadaydiiba waad ilaalisay, Carshigaad ku fadhiday adigoo si xaq ah wax u xukumaya.
5Quruumaha ayaad canaanatay, oo kuwa sharka lehna waad baabbi'isay, Oo magacoodiina waad tirtirtay weligiis iyo weligiis.
6Cadaawayaashii way dhammaadeen, oo weligoodba waa baabba', Oo magaalooyinkii aad afgembidayna Xataa xusuustoodii waa baabba'day.
7Laakiinse Rabbigu wuxuu weligiis u fadhiyaa sida boqor, Oo carshigiisiina wuxuu u diyaarsaday garsoorid.

Read SABUURRADII 9SABUURRADII 9
Compare SABUURRADII 9:1-7SABUURRADII 9:1-7