Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 88

SABUURRADII 88:6-17

Help us?
Click on verse(s) to share them!
6Waxaad igu ridday yamayska ugu hooseeya, Iyo gudcurka, iyo meelaha dhaadheer.
7Cadhadaadii baa igu soo degtay, Oo waxaad igu dhibtay hirarkaagii oo dhan. (Selaah)
8Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay, Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda. Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo.
9Indhahaygu waxay la gudheen dhibaatada daraaddeed, Rabbiyow, maalin kasta waan kuu yeedhay, Oo gacmahaygana adigaan kuu hoorsaday.
10Ma yaabab baad tusaysaa meydadka? Kuwii dhintay miyey soo sara kacayaan oo ku ammaanayaan? (Selaah)
11Raxmaddaada miyaa qabriga lagu sheegayaa? Aaminnimadaadana miyaa halligaadda laga dhex sheegayaa?
12Yaababkaaga miyaa gudcurka lagu ogaanayaa? Xaqnimadaadana ma waxaa lagu ogaanayaa dalka illoobidda?
13Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa.
14Rabbiyow, bal maxaad naftayda u xooraysaa? Oo bal maxaad wejigaaga iiga qarinaysaa?
15Waan dhibaataysnaa oo waxaan ku dhowaa inaan dhinto tan iyo yaraantaydiiba, Intaad cabsidaada igu riddayna waan caataysnaa.
16Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay, Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.
17Maalintii oo dhan waxay hareerahayga ugu wareegsanaayeen sidii biyo oo kale, Dhammaantood way i wada hareereeyeen.

Read SABUURRADII 88SABUURRADII 88
Compare SABUURRADII 88:6-17SABUURRADII 88:6-17