Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 7

SABUURRADII 7:2-11

Help us?
Click on verse(s) to share them!
2Waaba intaasoo ay naftayda sida libaax oo kale u kala dildillaaciyaane, Oo ay i kala jeexjeexaan intii aanay jirin cid iga samatabbixisaa.
3Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey, Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto,
4Haddii aan shar ugu abaalguday mid ila nabad ah, (Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa,)
5De markaas cadowgu naftayda ha eryado, oo ha qabsado, Oo isagu ha igu tunto, Oo sharaftaydana ciidda ha ku rido. (Selaah)
6Rabbiyow, cadhadaada la kac, Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda, Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.
7Oo dadyowga ururradoodu ha ku hareereeyeen, Oo adna iyaga xagga sare uga noqo.
8Rabbigu dadyowga buu u garsooraa, Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.
9Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah, Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.
10Gaashaankaygu wuxuu la jiraa Ilaaha Badbaadiya kuwa qalbigoodu qumman yahay.
11Ilaah waa xaakin xaq ah, Oo waa Ilaah maalin kasta dhirifsan.

Read SABUURRADII 7SABUURRADII 7
Compare SABUURRADII 7:2-11SABUURRADII 7:2-11