Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 73

SABUURRADII 73:12-17

Help us?
Click on verse(s) to share them!
12Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh, Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.
13Hubaal wax aan micne lahayn ayaan qalbigaygii ku nadiifshay, Oo aan ku faraxashay anigoo aan eed lahayn,
14Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay, Oo subax kastana waa lay edbinayay.
15Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa, Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.
16Markaan ku fikiray si aan tan ku ogaado, Aad bay iigu xanuun badnayd,
17Ilaa aan galay meesha quduuska ah ee Ilaah, Oo aan ka fiirsaday ugudambaystooda.

Read SABUURRADII 73SABUURRADII 73
Compare SABUURRADII 73:12-17SABUURRADII 73:12-17