Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 6

SABUURRADII 6:3-10

Help us?
Click on verse(s) to share them!
3Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay, Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?
4Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi, Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.
5Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto, Bal yaase She'ool kaaga mahadnaqi doona?
6Waxaan la daalay jibaadkayga, Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa. Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.
7Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.
8Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow, Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.
9Rabbigu waa maqlay baryootankaygii, Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.
10Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan, Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.

Read SABUURRADII 6SABUURRADII 6
Compare SABUURRADII 6:3-10SABUURRADII 6:3-10