Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 68

SABUURRADII 68:22-35

Help us?
Click on verse(s) to share them!
22Sayidku wuxuu yidhi, Waxaan iyaga ka soo celin doonaa xagga Baashaan, Oo waxaan ka soo bixin doonaa badda moolkeeda,
23Inaad cagtaada dhiig darsatid, Iyo in eeyahaaga carrabkoodu uu qayb ka helo cadaawayaashaada.
24Ilaahow, waxay arkeen tegiddaadii, Taas oo ah tegiddii Ilaahay oo ah Boqorkayga oo uu galay meesha quduuska ah.
25Gabayayaashii way hor mareen, muusikaystayaashiina way raaceen, Dhexdana waxaa ku jiray hablo daf ku cayaaraya.
26Kuwiinnan isha Israa'iil ka soo farcamayow, Shirarka ku dhex ammaana Ilaaha Sayidka ah.
27Waxaa jooga Benyaamiin yar oo ah taliyahooda, Iyo amiirrada reer Yahuudah iyo guddigooda, Iyo amiirrada reer Sebulun iyo amiirrada reer Naftaali.
28Ilaahaagu xooggaaguu amray, Ilaahow, waxaad noo samaysay noo xoogee.
29Macbudkaaga Yeruusaalem ku yaal daraaddiis Ayaa boqorro waxay kuugu keeni doonaan hadiyado.
30Canaano dugaagga cawsduurka ku dhex jira, Iyo dibida tirada badan, iyo weylaha dadka Oo ku tumanaya lacagta gogo'a ah, Isagu wuu kala firdhiyey dadyowga dagaalka jecel.
31Masar waxaa ka iman doona amiirro, Itoobiyana haddiiba gacmaheeday u hoorsan doontaa Ilaah.
32Boqortooyooyinka dhulkow, Ilaah u gabya, Ammaan ugu gabya Sayidka, (Selaah)
33Kaasoo kor fuushan samada samooyinka sare, oo weligoodba jiray, Bal eega, wuxuu ku hadlaa codkiisa, oo weliba codkiisu waa xoog badan yahay.
34Ilaah xoog ka sheega, Waayo, sharaftiisu waxay dul joogtaa reer binu Israa'iil, Oo xooggiisuna wuxuu ku jiraa samooyinka.
35Ilaahow, meelahaaga quduuska ah waxaad ka tahay mid laga cabsado, Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu dadkiisa siiyaa xoog iyo itaal. Mahad waxaa leh Ilaah.

Read SABUURRADII 68SABUURRADII 68
Compare SABUURRADII 68:22-35SABUURRADII 68:22-35