Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 63

SABUURRADII 63:2-11

Help us?
Click on verse(s) to share them!
2Si aan u arko xooggaaga iyo ammaantaadaba aawadeed, Ayaan kaa fiiriyey meesha quduuska ah.
3Waayo, raxmaddaadu way ka sii wanaagsan tahay nolol, Haddaba bushimahaygu way ku ammaani doonaan.
4Sidaas daraaddeed waan kugu mahadnaqayaa intaan noolahay, Oo gacmahaygana kor baan ugu qaadi doonaa magacaaga aawadiis.
5Naftaydu waxay u dhergi doontaa sida mid dhuux iyo baruur uga dhergo, Oo afkayguna wuxuu kugu ammaani doonaa bushimo faraxsan
6Kolkaan sariirtayda kugu soo xusuusto Oo aan kaa fikiro habeenka markaan soo jeedo.
7Waayo, waxaad ii ahayd caawimaad, Oo hooska baalashaada ayaan ku rayrayn doonaa.
8Naftaydu adigay ku raacdaa, Oo gacantaada midigna way i tiirisaa. (Selaah)
9Laakiinse kuwa naftayda u doondoonaya inay halligaan aawadeed, Waxay geli doonaan dhulka meelaha ugu hooseeya.
10Waxaa iyaga loo gacangelin doonaa xoogga seefta, Oo waxay qayb u noqon doonaan dawacooyinka.
11Laakiinse boqorku wuxuu ku rayrayn doonaa Ilaah, Mid kasta oo isaga ku dhaartaa wuu faani doonaa, Waayo, kuwa beenta sheega afkooda waa la aamusiin doonaa.

Read SABUURRADII 63SABUURRADII 63
Compare SABUURRADII 63:2-11SABUURRADII 63:2-11