Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 60

SABUURRADII 60:7-12

Help us?
Click on verse(s) to share them!
7Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushayda boqornimo.
8Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Falastiinay, qayli aawaday.
9Bal yaa i geeyn doona magaalada xoogga leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
10Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
11Cadowga naga caawi, Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
12Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.

Read SABUURRADII 60SABUURRADII 60
Compare SABUURRADII 60:7-12SABUURRADII 60:7-12