Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 5

SABUURRADII 5:6-11

Help us?
Click on verse(s) to share them!
6Waad wada baabbi'in doontaa kuwa beenta ku hadla, Rabbigu aad buu u karhaa kan dhiigyacabka ah iyo khaa'inkaba.
7Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa, Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukan doonaa.
8Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood xaqnimadaada igu hoggaami, Oo jidkaaga hortayda ku toosi.
9Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto, Oo uurkooda hoosena waa xumaan miidhan, Hungurigooduna waa qabri af bannaan, Oo carrabkooduna waa sasabasho miidhan.
10Ilaahow, iyaga kuwo eed leh ku tiri, Oo iyagu taladooda ha ku baabbe'een, Oo xadgudubkooda batay daraaddiis u tuur iyaga, Waayo, way kugu caasiyoobeen.
11Laakiinse kuwa adiga isku kaa halleeya oo dhammu ha reyreeyeen, Oo farxad ha ku qayliyeen weligoodba, maxaa yeelay, adigaa daafaca iyaga, Kuwa magacaaga jeceluna adiga ha kugu farxeen.

Read SABUURRADII 5SABUURRADII 5
Compare SABUURRADII 5:6-11SABUURRADII 5:6-11