Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 59

SABUURRADII 59:7-17

Help us?
Click on verse(s) to share them!
7Afkooda waxaa ka qubmaysa cay, Bushimahoodana waxaa ku jira seefo, Waayo, waxay isyidhaahdaan, Bal yaa na maqla?
8Laakiinse Rabbiyow, iyagaad ku qosli doontaa, Quruumaha oo dhan waad quudhsan doontaa.
9Xooggaygiiyow, adigaan ku sugi doonaa, Waayo, Ilaah waa qalcaddayda.
10Ilaahayga naxariista leh ayaa i hor iman doona, Oo waxaan doonayana Ilaah wuxuu iga tusi doonaa cadaawayaashayda.
11Sayidow, gaashaankayagiiyow, Iyaga ha layn, waaba intaasoo ay dadkaygu illoobaane, Laakiinse iyaga xooggaaga ku kala firdhi, oo hoos u soo deji.
12Kibirkoodu iyaga ha dabo Dembiga afkooda iyo erayada bushimahooda aawadood, Iyo weliba habaarka iyo beenta ay ku hadlaan aawadood.
13Iyaga cadho ku baabbi'i, si aanay mar dambe u jirin iyaga baabbi'i, Oo ha ogaadeen in Ilaah u taliyo reer Yacquub Tan iyo dhulka darafkiisa. (Selaah)
14Oo iyagu fiidka ha soo noqdeen, oo sida eey oo kale ha u ciyeen, Oo magaalada hareeraheeda ha ku warwareegeen.
15Waxay u warwareegayaan inay cunto helaan, Oo haddaanay dherginna habeenkii oo dhan way sii joogayaan.
16Laakiinse anigu waxaan ka gabyi doonaa xooggaaga, Haah, oo aroortii ayaan naxariistaada aad uga gabyi doonaa, Waayo, waxaad ahayd qalcaddaydii, Oo maalintii aan dhibaataysnaana magangal baad ii ahayd.
17Xooggaygiiyow, adigaan ammaan kuugu gabyi doonaa, Waayo, Ilaah waa qalcaddayda, waana Ilaaha naxariistayda.

Read SABUURRADII 59SABUURRADII 59
Compare SABUURRADII 59:7-17SABUURRADII 59:7-17