Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 56

SABUURRADII 56:1-9

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Ilaahow, ii naxariiso, waayo dad baa waxay doonayaan inay i liqaan; Maalinta oo dhan isagoo diriraya ayuu i dulmaa.
2Cadaawayaashaydu maalinta oo dhan waxay doonayaan inay i liqaan, Waayo, kuwa kibirka igula diriraa waa tiro badan yihiin.
3Markaan cabsado, Waan isku kaa hallaynayaa.
4Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa, Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo, Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa?
5Maalinta oo dhan erayadayda way qalloociyaan, Fikirradooda oo dhammu waa igu col si ay shar iigu sameeyaan.
6Way isa soo wada urursadaan, oo way dhuuntaan, Oo waxay fiirsadaan tallaabooyinkayga, Markay gaadayaan naftayda.
7Iyagu ma xumaan bay ku baxsan doonaan? Ilaahow, dadyowga adoo cadhaysan hoos u tuur.
8Waad og tahay warwareeggayga, Bal ilmadayda qaruuraddaada ku shub, Waayo, miyaanay buuggaaga ku qorrayn?
9Markaasaa cadaawayaashaydu dib u noqon doonaan maalinta aan kuu yeedho, Waayo, waxaan ogahay in Ilaah ila jiro.

Read SABUURRADII 56SABUURRADII 56
Compare SABUURRADII 56:1-9SABUURRADII 56:1-9