Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 51

SABUURRADII 51:9-16

Help us?
Click on verse(s) to share them!
9Wejigaaga ka qari dembiyadayda, Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.
10Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah, Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.
11Hortaada ha iga xoorin, Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.
12Farxaddii badbaadintaada ii soo celi, Oo ruux raalli ah igu tiiri.
13Oo markaas kuwa xadgudba jidkaagaan bari doonaa, Oo dembilayaashuna adigay kuu soo noqon doonaan.
14Ilaahow, Ilaaha badbaadadaydow, dhiiggelidda iga samatabbixi, Markaasaa carrabkaygu wuxuu aad uga gabyi doonaa xaqnimadaada.
15Sayidow, bushimahayga fur, Oo afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaantaada.
16Waayo, adigu kuma faraxdid allabari, haddii kalese waan bixin lahaa, Qurbaan gubanna kuma cajebiyo.

Read SABUURRADII 51SABUURRADII 51
Compare SABUURRADII 51:9-16SABUURRADII 51:9-16