Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 49

SABUURRADII 49:2-10

Help us?
Click on verse(s) to share them!
2Kuwiinna hoose iyo kuwiinna sare, Taajirrada iyo masaakiintoy, dhammaantiin wada maqla.
3Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa xigmad, Qalbigayguna wuxuu ka fikiri doonaa waxgarasho.
4Dhegtayda waxaan u dhigi doonaa masaal, Xujadaydana waxaan ku muujin doonaa kataaradda.
5Haddaba bal maxaan u cabsanayaa wakhtiga shar jiro, Markii xumaanu cedhbahayga ku wareegsanto?
6Kuwa maalkooda isku halleeya, Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan,
7Midkoodna walaalkiis ma furan karo, Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo,
8(Waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad, Kumana filna weligeedba,)
9Inuu isagu weligiis sii noolaado, Oo aanu halligaad arkin weligiis.
10Waayo, isagu wuxuu arkaa inay dadka xigmadda lahu wada dhintaan, Iyo in nacasyada iyo doqonnaduba ay wada baabba'aan, Oo ay maalkooda kuwa kale uga tagaan.

Read SABUURRADII 49SABUURRADII 49
Compare SABUURRADII 49:2-10SABUURRADII 49:2-10