Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 40

SABUURRADII 40:1-4

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Anigu Rabbiga samir baan ku sugay, Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,
2Oo weliba wuxuu iga soo bixiyey yamays baabba' ah, iyo dhoobada dhiriqda ah, Oo wuxuu cagaha ii saaray dhagax weyn, oo socodkaygiina wuu xoogeeyey.
3Oo afkaygiina wuxuu geliyey gabay cusub, kaas oo ah ammaanta Ilaaheenna. Kuwo badan baa arki doona, wayna cabsan doonaan, Rabbigayna isku hallayn doonaan.
4Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, Oo aan u jeedin kuwa kibirsan ama kuwa beenta ku leexda.

Read SABUURRADII 40SABUURRADII 40
Compare SABUURRADII 40:1-4SABUURRADII 40:1-4