Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 39

SABUURRADII 39:9-13

Help us?
Click on verse(s) to share them!
9Anigu waan carrab la'aa, oo afkaygana ma aan kala qaadin, Maxaa yeelay, sidaasaad yeeshay.
10Haddaba belaayadaada iga durki, Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.
11Markaad dadka canaanta ku edbisid xumaanta daraaddeed, Waxaad quruxdiisa ka dhigtaa inay u baabba'do sidii balanbaallis oo kale, Hubaal nin kastaaba waa bilaash. (Selaah)
12Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig, Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin, Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.
13Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee, Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.

Read SABUURRADII 39SABUURRADII 39
Compare SABUURRADII 39:9-13SABUURRADII 39:9-13