Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 30

SABUURRADII 30:1-7

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay, Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.
2Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.
3Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool, Oo waad i sii noolaysay si aanan yamayska ugu dhicin.
4Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya, Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah.
5Waayo, cadhadiisu waa daqiiqad keliya, Laakiinse raallinimadiisu waa cimriga, Habeenka waxaa jirta oohin, Laakiinse aroorta farxad baa timaada.
6Aniguse intaan barwaaqaysnaa waxaan idhi, Weligay dhaqdhaqaaqi maayo.
7Rabbiyow, raallinimadaada aawadeed ayaad buurtayda ka dhigtay inay si adag u taagnaato, Wejigaagaad qarisay, oo anna waan argaggaxay.

Read SABUURRADII 30SABUURRADII 30
Compare SABUURRADII 30:1-7SABUURRADII 30:1-7