Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 28

SABUURRADII 28:2-9

Help us?
Click on verse(s) to share them!
2Maqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado, Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada quduuska ah.
3Ha ila jiidin kuwa sharka leh, Iyo xumaanfalayaasha Oo deriskooda nabadda kula hadla, Laakiinse belaayadu qalbigooda ku jirto.
4Iyaga u abaalmari sida shuqulkoodu yahay, iyo sida ay xumaanta falimahoodu tahay, Iyaga u abaalmari sida shuqulka gacmahoodu yahay, Oo waxa ay galabsadaan sii.
5Iyaga wuu dumin doonaa, mana uu dhisi doono mar dambe, Maxaa yeelay, kama ay fikirin Rabbiga shuqulladiisii Iyo hawshii gacmihiisa toona.
6Mahad waxaa leh Rabbiga, Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.
7Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga, Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey, Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey, Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.
8Rabbigu wuxuu dadkiisa u yahay xoog, Oo kiisa subkanna wuxuu u yahay qalcad lagu badbaado.
9Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee, Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.

Read SABUURRADII 28SABUURRADII 28
Compare SABUURRADII 28:2-9SABUURRADII 28:2-9