Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 22

SABUURRADII 22:5-23

Help us?
Click on verse(s) to share them!
5Adigay kuu qayshadeen, oo way samatabbexeen, Way isku kaa halleeyeen, oo mana ay ceeboobin.
6Laakiinse anigu waxaan ahay dixiri, oo dad ma ahi, Waxaan ahay mid la caayo, oo dadku quudhsado.
7Oo kuwa i arka oo dhammu way igu qoslaan, Bushimahay yuubaan, oo madaxay lulaan, iyagoo leh,
8Rabbiguu isku halleeyey, ha samatabbixiyo, Bal isagu waa kan ku faraxsane hadda ha samatabbixiyo.
9Laakiinse adigu waxaad tahay kii uurka iga soo bixiyey, Oo intaan naasaha hooyaday nuugayay, waxaad iga dhigtay mid ku aaminsan.
10Aniga dushaadaa laygu soo tuuray markaan uurka ka soo baxay, Xataa tan iyo intaan uurkii hooyaday ku jiray, Ilaahaygaad ahayd.
11Ha iga fogaan, waayo, dhib baa soo dhow, Qof i caawiyaana ma jiro.
12Waxaa i hareereeyey dibiyo badan, Oo kuwii Baashaan oo xoogga badnaa ayaa hareerahayga isku wareejiyey.
13Afkooday iigu fureen, Sidii libaax hamuunsan oo ciyaya.
14Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen, Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale, Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.
15Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.
16Waayo, waxaa i hareereeyey eeyo, Oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha, Oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha.
17Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa, Oo iyagu way i fiiriyaan oo igu dhaygagaan,
18Dharkayga bay qaybsadaan, Oo maradaydana saami bay u ritaan.
19Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan, Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.
20Naftayda ka samatabbixi seefta, Noloshaydana ka samatabbixi xoogga eeyga.
21Iga badbaadi libaaxa afkiisa, Haah, xataa geesihii gisiyada waad iiga jawaabtay.
22Magacaaga waan u sheegi doonaa walaalahay, Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.
23Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, ammaana isaga, Farcanka Yacquubow, sharfa isaga, Oo kuwiinna Israa'iil ka soo farcamayow, isaga ka wada cabsada.

Read SABUURRADII 22SABUURRADII 22
Compare SABUURRADII 22:5-23SABUURRADII 22:5-23