Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 19

SABUURRADII 19:1-7

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah, Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa.
2Maalinba maalinta ka dambaysaa waxay ku hadashaa hadal, Oo habeenba habeenka ka dambeeyaa wuxuu caddeeyaa aqoon.
3Ma jiro hadal ama af Aan codkooda laga maqlin.
4Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan, Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa. Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda,
5Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya, Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya.
6Waxay ka soo baxdaa samada darafkeeda, Oo waxay ku soo wareegtaa hareeraheeda, Oo kulaylkeedana wax ka qarsoonu ma jiraan.
7Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa, Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa.

Read SABUURRADII 19SABUURRADII 19
Compare SABUURRADII 19:1-7SABUURRADII 19:1-7